Cellprov
Saami-unug noloshuu samata bixiyaa
Saamiga unugga ee haweenka laga qaado, ee loogu yeero saami unug, wuxuu ka socdaa in la oggaado wixii isbedallo ku yimaada unugyada wakhti haboon, intuusan isku bedallin kanser. Haddii saami-unug si joogto ah lagaga qaado wuxuu kaa diffaacayaa kanserka dhuunta ilmosidaha/ilmogaleenka in ka badan 90%.
Isbedallada ku yimaada unugyada dhuunta ilmosidaha waa la arkaa oo ma la dareemo oo badanaa wax dhib ah laga lama kulmo. Maahan ayagu khatar, laakiin waxay isku bedalli karaan kanser haddii aan la helin oo la dawayn wakhti haboon. Qaabka keliya ee lagu ogaan karo waa ayadoo la qaado saami-unug.
Saamiga unugga wuxuu quseeyaa dhammaan dadka leh dhuun ilmoside da´da 23-64 sano, ayadoo aan loo fiirinayn jinsiga aad isku aragtid, iyo cidda aad la galmootid.
Ma tahay 64 jir ama ka wayn tahay oo horay ma u tagi jirtay kontoroollada saamiga-unugyada markaas halista in unugyadaada isbeddel ku yimaado aad bay u yar tahay. Baaritaano badan oo isku xigxiga difaac dheeri ah kaama siinayso kanserka dhuunta ilmosidaha.
Aad mar kasta oo saami-unug lagugu yeero
Tirada kanserka dhuunta ilmosidaha ku dhaca way kordhaysaa oo 2017 waxaa la ogaaday in ka badan 550 kiis oo cusub. Saddexdiiba labo ka mid ah dadka aw kanserka dhuunta ilmosidaha ku dhacay ma iska qaadi jirin saami-unug si joogto ah. Haddii aad aadid mar kasta oo laguu yeero waxaa si fiican looga hortagi karaa kanserka noocaan ah.
Dad badan baa laga qaadaa saami-unug markii loo yeero laakiin ka dheer dammaantood. ” Wakhti ma hayo”, ” laga yaabaa inay xanuun tahay”, baa ah ka mid ah sharraxaadaha ay ka bixiyaan sababaha ay dadku uga boodaan in laga qaado saamigooda unug. Laakiin in saami unug la qaado waxay qaadanaysaa dhowr daqiiqo keliya xanuunna ma lahan.
Ma dareemaysaa isku hubid la´aan ku aadan saamigaaga unug markaas waxaad kaxaysan kartaa saaxiib ama weydiiso qaabilaadda umilisooyinka wakhti dheeri ah iyo taageero.
Wixii intaa dheer oo ku saabsan saamiga unug ee haweenka laga qaado kasii akhri 1177.se/cellprov